Talibaan oo xaqiijisay inay kulan la qaadatay ergeyga nabadeed ee Maraykanka ku matalo Qatar

Kooxda Talibaan ee ka dagaalanto gudaha wadanka Afghanistan ayaa xaqiijisay in iyada iyo ergeyga Maraykanka u qaabilsan Qatar gaar ahaan dhanka nabadda uu wada hadal dhex maray.
Wafdi ka socdo Talibaan ayaa Zalmay Khalilzad kulan kula qaatay Qatar.
Waxay labada dhinac wada hadaladooda diirradda ku saareen sida lagu soo afjari karo dagaalada sannado badan ka taagnaa Afghanistan.
Bayaan ka soo baxay Talibaan ayaa sido kale lagu sheegay in kulamada iyo wada hadalada ay sii soconayaan.
Dhanka kale maamulka madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa ku dadaalaya in Afghanistan ay isaga gudubto colaadda ragaadisay muddo 17 sano ah.
Zalmay Khalilzad ayaa safar qaadanaya 11 maalmood ku maraya wadamada Afghanistan, Pakistan, isutagga imaraadka carabta,Qatar iyo Sacuudi Carabiya.
Hasa ahaate wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaanan weli xaqiijin inuu qabsoomay kulan kala dhexeyay Talibaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *