Boqorka Sacuudiga iyo Erdogan oo ka wada hadlay wariyaha la waayay Jamal Khashoggi

Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin Cabdicaziiz ayaa khadka taleefoonka kula xariiryay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip wuxuuna u xaqiijiyay inuu diyaar u yahay ka shaqeynta sidii uu ku sii jiri lahaa cilaqaadka wanaagsan ee ka dhexeya labada dhinac.
Boqor Salmaan ayaa sheegay in Sacuudiga iyo Turkiga uu ka dhexeya xiriir wanaagsan oo aysan jirin cid saameyn karta.
2-dii bishan ayay ahayd markii la waayay suxufi u dhashay Sacuudiga oo lagu magacaabo Jamal Khashogii .
Waxaa ugu war dambeysay inuu gudaha u galay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Download Turkiga ayaa xukuumada Riyaadh ku eedeysay inay suxufigan dishay hasa ahaate way iska fogeysay.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhankiisa sheegay in hadii boqortooyada ay ku cadaato inay Jamal qaarajisay laga qaadayo tallaabo adag.
Hasa ahaate xukuumada Riyaadh ayaa sheegeysa inay ka ficil celin doonto cunqabateyn la saaro.
Sido kale waxaa isa soo taraya cadaadiska Sacuudi carabiya lagu saarayo inay xaaladda jirta ka run sheegto.
Wadamada Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa bayaan ay si wada jir ah u soo saaren ku baaqay in la sameeyo baaritaano madax bannaan.
Boqor Salmaan ayaa madaxweynaha Turkiga u sheegay inuu diyaar u yahay inay guda galaan baaritaano si wadajir ah loo sameynayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *