DHAGEYSO Gabdho Soomaali ah oo maydadkooda laga helay dalka Maraykanka.

Labo Gabdhood oo Soomaali ah oo la waayay habeenimadii Jimcaha ayaa la sheegay in ugu danbeyntii meydkooda laga helay Haro ku taalla duleedka magaalada Chaska ee gobolka Minnesota dalka Maraykanka.
Wararku waxaay sheegayaan in gaari ay wateen Gabdhahaha dhintay uu ku dhacay Haro ku taalla duleedka magaalada Chaska ee dalka Maraykan, aysana si deg deg ah u helin gargaarkii ay u baahnaayeen taasoo sababtay dhimashadooda.
taliyaha booliiska Chaska ayaa sheegay in markii ay gabdhuhu waceen telefoonka gurmadka deg degu u isla markiiba go’ay taasoo in laga daaho keentay.
Gabdhaha magacyadooda ayaa lagu kala sheegay Zeynab Cabdalla iyo Bushra Cabdi waxayna ahaayeen 19 sano jiro dugsiga sare ka baxay sanadkii hore, qaraabo,saxiibo isla koray ayay ahaayeen, lama xaqiijin sababta Rasmiga ah ee ka danbaysay in gaarigii ay wateen uu Haradaas ku dhaco waxaana wali socda baaritaanka la xiriira arintaasi.
Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalkaasi Maraykanka ayaa sheegay in gabdhaha oo mudo la raadinayay hada uun maydadkooda la helay balse aan wali la shaacin waxa ay sababsadeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *