DHAGEYSO Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo sheegay in la toogto askarigii isbaaro dhigta gobolkaasi.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa ciidamada amaanka ee gobolkaasi ku amray inay toogtaan askari kasta ama qofkale oo ay ku arkaan isagoo isbaaro dhiganaya shacabkana dhibaataynaya.
Waxa uu sheegay inuusan jiri doonin qof dhac dadweyne lagu qabtay oo maxkamada la gayn doono balse taa badalkeeda lagu dili doono goobta uu xiligaas ku sugan yahay.
sidoo kale ehelada dadka shacbaka dhibaataynaya ayuu ugu baaqay inay dadkooda ceshadaan si aysan dhibaatadoodu bulshada u saamayn.

Yuusuf Axmed Hagar Dabageed Gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo markii afraad loomaga caabaya xilkaan ayaa ilaa markii la soo magacaabay wuxuu maamulkiisa ku waday dib u habayn wuxuuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan nidaamka iyo kala danbaynta gobolkaas loo wanaaji doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *