DHAGEYSO Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Jowhar.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee gobolka shabeelada dhexe.
Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa wafdigaas kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa inuu dhagax dhigo mashaariic dhanka hormarinta ah oo laga hirgelinayo magaalada Jowhar, goobaha uu Ra’isulwasaaraha dhagax dhigayo ayaa waxaa ka mid ah dhismaha xarun u yeelanayo Baarlamaanka Hirshabeelle, dhismaha wadada isku jirta Garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar iyo kuwo kale.
Ammaanka magaalada Jowhar ayaa la adkeeyay, iyadoo ciidamo ka qeyb qaadanaya amniga Ra’iisul Wasaaraha oo ka baxay magaalada Muqdisho ay gaareen magaaladaasi Jowhar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *