DHAGEYSO Wasiirka dowlad wadaajinta oo tageeray afti lagu bedelayo dastuurka

Wasirika wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Mr. Eugene Wamalwa ayaa sheegay inuu tageersanyahay ololaha uu hor kacayo madaxa xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot ee la doonayo in wax looga bedelo dastuurka.
Mr. Wamalwa ayaa intaasi ku daray in dastuurka hadda wadanka laga isticmaalo la ansaxiyay iyadoo boqolkiba 20 shuruucda ku qeexan aanan lagu qanacsanayn.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in la joogo xiligii la bedeli lahaa qeybahaasi si dhammaan kenyaanka ay boqolkiba boqol ugu wada qancaan shuruucda wadanka u degsan

Dhanka kale xoghayaha guud ee dalladda ay ku mideeysanyihiin ururrada shaqaalaha dalka Mr. Francis Atwoli iyo senetarka Kakamega Cleophas Malaya ayaa soo dhaweeyay olalaha socdo waxayna sheegeen inay si buuxda u taageerayaan.
Ololaha ku aaddan isbedelka la doonayo in lagu sameeyo dastuurka wadanka ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay.
Iyadoo siyaasiyiinta qaar ay tageerayaan hadana madaxda siyaasadeed ee laga soo doortay ismaamulada ay ku noolyihiin xoola dhaqatada sida waqooyi bari ayaa weli ku adkeysanaya inay ka soo horjeedsanayaan hadii uu yahay mid lagu wiiqayo awoodda dhaqaale ee maamul goboleedyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *