DHAGEYSO Xuska maalinka halyeeyada oo sannadkan lagu qabanayo Kakamega

Afhayeenka madaxtooyada dalka Kanze Dena ayaa shaacisay in xuska sannadkan ee maalinka loo dabaaldego halyeeyada Kenya ee 20-ka bishan lagu qaban doono maamul goboleedka Kakamega ee galbeedka dalka.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa boqolaal kenyaan ah ku hoggaamin doono dabaaldegga oo ka dhacaya fagaaraha Bukhungu .
Ms. Dena ayaa sheegtay in madaxweynaha uu khudbadiisa uga hadli doono arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay islaxisaabtanka la xiriira maareynta kheyraadka dadweynaha loogu adeego.
Sido kale Mr. Kenyatta ayaa la filaya inuu soo hadal qaado sida dib loogu soo nooleyn karo shirkadaha soo saaro sonkorta ee dhaqaalahoodu uu liito.
Sido kale afhayeenka madaxtooyada dalka ayaa faahfaahin ka bixisay waxyaabo ay ka wada hadleen hoggaamiyaha dalka iyo qaar ka mid ah madaxda siyaasadeed ee galbeedka dalka xili ay kula kulmeen State House.
Xuska maalinka halyeeyada sannadkan ee lagu qabanayo Kakamega ayay Kanze Dena ku sheegtay ballanqaad uu horay u sameeyay madaxweynaha oo uu doonayo inuu ka dhabeeyo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *