Koscielny oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah

Difaaca kooxda Arsenala iyo xulka qaranka France ee Laurent Koscielny ayaa si rasmi shaaca uga qaaday inuu isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah xili xiddigan ay da’adiisu tahay 33 jir.
Koscielny ayaa ka maqnaa koobka aduunak 2018-kii xulkiisa qaranka sababa lixiiriira dhaawac dhanka jilibka ah oo uu qabay
Laacibkan ayaa weerar ku qaaday tababaraha xulka France Dechamps oo uu ku eedeeyay inuusan ku dhiira galinin inuu ka soo kabsado dhaawaciisa.
Xidiga reer France ayaa kadib ku dhawaaqistiisa inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah wuxuu weerar ku qaaday tababare Dechamps, sababa la xiriira inuusan ku dhiira galinin inuu kasoo kabto dhaawacii uu ka qabay dhanka jilibka.
Waxaa uu sheegay inuu la soo hadlay bishii Sebtembar xiligaas oo ay ku begneed dhalashadiisa mana jirin markale oo uu la soo xiriiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *