Laba eedeysane oo loo haysto dilkii Monica Kimani oo maxkamada la soo taagayo

Waxaa maanta oo isniin ah mar kale la filaya inay maxkamada ka soo hormuuqdaah Jacque Maribe oo suxufiyad ka howlgasho warbaahinta maxaligga ee Citizen iyo Joseph Irungu oo labaduba lagu eedeyay dilkii bishi hore ka dhacay xaafadda Kilimani ee magaaladatani Nairobi ee lagu qaarajiyay Monica Kimani.
Maxkamada ayaa maanta go’aan ka gaari doonto in eedeysanayaashan damiin lagu siideynayo iyo in kale.
Baaritaano dhanka maskaxda ah oo lagu sameeyay Maribe ayaa lagu sheegay inaysan wax dhibaato ah qabin oo mar kale maxkamada ay ka soo hormuuqan karto.
Sido kale Joseph Irungu oo gabadhan ay u doonanayd ayaa isna helay daryeel caafimaad kadib dhaawac gacanta ka soo gaaray.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii maxkamada ismaamulka Kiambu ay siideysay eedeysane lagu magacaabo Brian Kassaine oo isna lala xiriiriyay dilkii Monica Kimani.
Mr. Kassaine, oo xabsiga loo taxaabay 13 maalmood ka hor ayay maxkamadu amartay inuu muddo laba bilood ah subax waliba oo khamiis ah iska xaadiriyo xarunta ugu weyn ee waaxda dembi baarista ee DCI-da.
Mr Maxwell Otieno oo ka mid ah sarakiisha sarsare ee dowlada u qaabilsan baaritaanada ayaa sheegay in Mr. Kassaine weli lagu hayo baaritaano ku aaddan dilka dhacay.
Sarakiisha baaritaanada sameynaya ayaa maxkamada ka codsaday inay siideyso Mr .Kassaine in kastoo arrinkaasi ay shardi ku xireen.
Qareenka eedeysanahan ,Kefa Ojijo ayaa dhankiisa codsaday inaan siideyntiisa shuruud lagu xirin hasa ahaate maxkamada ayaa ka diiday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *