Qaramada midoobay oo sheegtay in 15 qof oo shacab ah lagu dilay Yemen

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in ugu yaraan 15 qof oo shacab ah lagu dilay gobolka Xudeeyda ee dalka Yemen.
Weerarkaasi oo lala eegtay baabuur ayaa waxaa sido kale ku dhaawacmay 20 qof.
Bayaan ay soo saartay isku duwaha arrimaha bani’adanimo ee qaramada midoobay ku matasha Yemen Lise Grande ayay ku sheegtay in dhacdadaasi ay ahayd mid naxdin leh.
Waxaa bayaankaasi sido kale lagu cambareeyay weerarka ay waxyeellada ka soo gaartay shacab aanan waxba galabsan.
Qarmada midoobay ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in tan iyo bishii lixaad ee sannadkan in ka badan 170 qof lagu dilay gobolka Xudeyda ,1,700 ayay dhaawacyo soo gaareen iyadoo ugu yaraan 425,000 kalena ay guriyahooda ka barakaceen.
Yemen ayaa waxaa tan iyo sannadkii 2014-kii ka taagnaa dagaalo rabshadeysan waxayna dhibaatooyinka sara u sii kaceen 2015-kii kadib markii halkaasi uu howlgalo ka bilaabay isbeheysiga uu sacuudiga hor kacayo ee dagaalka kula jira xuutiyiinta dowlada Yemen ka soo horjeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *