Suuriya iyo Jordan oo dib u furay xuduuda ay wadagaan

Waxaa maanta oo isniin ah dib loo furay marinka xuduudada Quneitra ee ay wadagaan wadamada dariska ah ee Suuriya iyo Jordan.
Goobtaasi ayaa xirneyd muddo 4 sano ah kadib markii ay qabsadeen fallaagada kadibna militariga Israa’iil ayaa soo saaray amar lagu xirayo sababo amni awgeed.
Waxaa hadda dib u furmaya isku socodkii gaadiidka iyo howlaha gargaarka ee aanan halkaasi ka jirin sanadihii la soo dhaafay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *