Xoghayihii hore ee wasaaradda cayaaraha oo maxkamad la soo taagayo

Waxaa maanta maxkamada ka soo hormuuqanaya 3 sarkaal oo uu ka mid yahay xoghayihii hore ee wasaaradda cayaaraha, dhaqanka iyo farshaxanka Richard Ekai.
Mas’uuliyiintan ayaa lala xiriiriyay fadeexad laga soo tabiyay wasaaradaasi oo lagu lunsaday 55 milyan xiligii cayaarihii Olimbikada ee sannadkii 2016-kii.
Waxaa sido kale la maxkamadeynaya madaxii wafdigii ka socday Kenya ee tagay magaalada Rio Stephen Soi, xoghayaha guud ee guddiga qaran ee Olimbikada ee NOCK Francis Kinyili iyo Kipchoge Keino oo horay u soo noqday guddoomiyaha guddigga cayaartaasi.
Wasiirkii hore ee wasaaradda cayaaraha dalka ahna safiirka Kenya ee wadanka Austria Xassan Wario ayaa isna lagu amray inuu wadanka dib ugu soo laabto si wax looga weydiiyo fadeexaddaasi.
Arrintan ayaa timid kadib markii agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji uu soo saaray amar ah in dacwado lagu soo oogo wasiirkii hore ee wasaaradda cayaaraha Xassan Wario , xogayihii hore ee wasaaraddasi Richard Ekai, guddoomiyihii hore ee guddiga cayaaraha olimbikada dalka ee (NOCK) Kipchoge Keino iyo madaxii wafdigii Kenya ka socday ee sannadkii 2016-kii tagay magaalada Rio ee Brazil Stephen Soi.
Bayaan uu soo saaray agaasimaha dacwad oogidda ayaa waxaa sido kale lagu xusay magacyada agaasimihii hore ee wasaaradda cayaaraha dhaqanka iyo farshaxanka u qaabilsanaa dhanka maamulka Harun Komen ,Francis Kanyili, xoghayihii guud ee guddiga NOCK iyo Patrick Kimathi oo ahaa sarkaal ka tirsanaa waaxda maaliyadda ee wasaaradda.
7-dan sarkaal ayuu Nuurdiin xaaji doonaya in la maxkamadeeyo si lagula xisaabtamo eedeymo dhan ilaa iyo 6 oo loo soo jeediyay.
Waxyaabaha lagu eedeyay waxaa ka mid ah ku takriifal awoodeed iyo sido kale inaysan u hoggaansamin shuruucda la xiriirta maareynta habboon ee kheyraadka dadweynaha loogu adeego.
Nuudiin Xaaji ayaa rumeysan in mas’uuliyiintan ay ku lug lahayeen lunsashada 22.4 milyan oo shilin.
Sido kale Nuurdiin Xaaji ayaa amar siiyay maamulka dowlada dhexe u qaabilsan dib u soo celinta hantida la dhacay inuu howlgal arrinkaasi ku aaddan guda galo.
Sannadkii 2016-kii ayay ahayd markii wasirikii wasaaradda cayaaraha ee dalka Xassan Wario uu soo magacaabay guddi baritaano ku sameynayo fadeexad la sheegay in lagu lunsaday 88 milyan oo shilin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *