24 qof oo cudurka Ebola ugu dhimatay Kongo

Muddo hal toddobaad gudaheed ah ayaa lagu soo waramayaa in cudurka Ebola uu saameyay ugu yaraan 33 qof oo ku nool jamhuuriyada dimuqaradiyadda Kongo ee DRC wuxuuna galaaftay noolosha 24 ka mid ah.
Wasaaradda caafimaadka ee DRC ayaa sheegtay in kiisaskan la soo tabiyay intii u dhexeysay 8 –dii ilaa iyo 14-kii bishan tobnaad.
Tan iyo horraantii bishii todobaad waxaa la xaqiijiyay 211 kiis oo laga soo sheegay DRC waxaana u dhintay 138 qof sida laga soo xigtay WHO.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *