Arsène Wenger oo ka hadlay cida ku guuleysan doonto Ballon d’Or 2018

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsène Wenger ayaa qemeyn ku sameeyay guuleystaha abaalmarinta Ballon d’Or 2018, oo ay dhawaan bixin doonto France Football.
Wenger ayaa wareysi uu la yeeshay wargeyska “L’Equipe” ee dalka France sheegay in sanadkan uu ku guuleysan doono mid ka mid ah ciyaartoyda wadanka France.
Waxaa uu sheegay inuusan garaneynin cida ku guuleysan doonto balse uu u badinaayo inuu ka iman doono France madaama ay ku guuleysteen koobka aduunka.
France Football.ayaa ku dhawaaqday liiska musharixiinta abaalmarintan oo ka koobnaa 30 ciyaaryahan, waxaanaku jiraa lix ciyaaryahan oo dhalasho ahaan ka soo jeedo France.
Waxaa kamid ah ciyaartoydaasi Paul Pogba, N’Golo Kanté, Antoine Griezmann, Raphael Varane, Hugo Lloris, Kylian Mbappé lagu daray Karim Benzema.
Si kastaba guuleystaha abaalmarinta Ballon d’Or 2018 ayaa lagu dhawaaqi doonaa kadib xaflad la qaban doono 3-da bisha soo aadan ee Diseembar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *