DHAGEYSO Maamulka Gobolka banaadir iyo Hay’ada UNHCR oo ka wada hadlay xalka baragacayaasha gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday hay’ada qaramada Midobay arimaha qaxootiga u qaabilsan ee UNHCR.
Masuuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir uu la kulmay ayaa wax aka mid ahaa Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan Hay’ada UNHCR Danjire Maxamed Cabdi Afeey iyo Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Soomaaliya Caroline Van Buren.
Gudoomiya gobolka Banaadir iyo Madaxda ka socotay Hay’ada UNHCR ayaa ka wada hadlay sidii xal-waara loogu heli-lahaa dadka barakacayaasha ah ee ay tiradoodu gaarayso 5,000 oo qof ee ku sugan gudaha iyo daafaha Caasimadda Soomaaliya,arimaha ay ka wada hadleen waxaa ka mida ah sida ugu haboon ee dadkaasi ay shaqo abuurka ku heli karaan hormarinta dhalinyarada, dayactirka iskuullada iyo xarumaha Caafimaadka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo ku saabsan xaaladda barakacayaasha ku sugan Muqdisho u gudbiyay ergada Qaramada midobay,wuxuuna xusay muhiimadda ay leedahay in lasii xoojiyo taageerada la siinayo dadka tabaalaysan.

Ergeyga Gaarka ah ee Bariga Afrika u qaabilsan Hay’adda Qaramada Midobay ee UNHCR Danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay in caasimada Muqdisho ay tahay magaalooyinka ugu barakacayaasha badan caalamka ayna sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qaban donaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *