Warbixin ku saabsan waxbarashada caruurta ka yar 8 sano oo maanta la soo bandhigayo

Waxaa maanta magaaldatani Nairobi lagu qabanaya shir caalami ah oo lagu eegayo waxbarashada fasalada ugu hooseeya dugsiyada hoose dhexe ee loo yaqaano ECD-da.
Sido kale waxaa la filaya in madashaasi lagu soo bandhigo warbixin ku saabsan tayada waxbarasho ee ardayda dhigta fasaladaasi.
Warbixin hor dhac ah oo la soo saaray ayaa muujineysa inaan weli lagu tallaabsan horumarkii loo baahnaa ee dhanka tayada waxbarashadaasi ah.
Waxay tani micnaheedu tahay in carruurta 8 sano jirka ah iyo wixii ka hooseeya aysan helin tacliin tayo wanaagsan.
Sido kale waxaa warbixinta lagu xusay in ismaaulada wadanka ka jira aysan weli shaqaleysiin barayaal ku filan oo wax u dhigi karo ardaydan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *