Wasiirka arrimaha gudaha oo maanta tagaya ismaamulka Nyeri

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi iyo sarakiisha sar sare ee wasaaraddasi ayaa maanta la filaya inay kulan la qaataan madaxda amniga ee gobolka bartamaha dalka.
Kulankaasi oo lagu qabanayo dowlad degaanka Nyeri ayaa diiradda lagu saaraya soo bandhigidda qorshaha dhameystiran ee la xiriira isbedelada dhawaan lagu sameeyay booliska dalka.
Mas’uuliyiintan oo uu ka mid yahay xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha Karanja Kibicho iyo abaanduulaha booliska Joseph Boinnet ayaa shirka kadib kormeer ku sameynaya mashaariic horumarineed.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa bishii hore shaaciyay in la isku daro 39,680 ka mid ah booliska caadiga ah iyo 24,572 sarkaal oo ka tirsan kuwa qaabilsan maamulka ee loo yaqaano Ap-da.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *