Wasiirka maaliyadda ee Itoobiya oo la magacaabay

Ra’iiusul wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmad ayaa maanta Axmed Shide u magacaabay wasiirka maaliyadda waxaa uuna xilkaasi kala wareegaya Abraham Tekeste.
Axmad Shide ayaa ahaa afhayeenka dowlada ka hor inta aanan xilkan loo dhiibin.
Dr Abiy Axmad ayaa sido kale yareeyay tirada wasaaradaha oo ahaa 28 hadana laga dhigay 20 iyadoo 10 wasiir ay yihiin kuwo cusub.
Wasaaradaha la isku daray waxaa ka mid ah ganacsiga iyo warshadaha halka la kala qaaday wasaaradaha beeraha iyo kheyraadka xoolaha nool ee la dhaqdo.
Sido kale isbedeladan oo baarlamaanka Itoobiya ansaxiyay ayaa lagu soo dhisay wasaarad cusub oo qaabilsan nabadda maadaama bilooyinkii ugu dambeeyay ay dhaceen dagaalo isir ku saleysan.
6-dii bilood ee la soo dhaafay waxaa gudaha Itoobiya ay dagaalo ku barakiciyeen 2.8 milyan oo qof taasi oo ka dhigta wadanka sannadkan gudihiisa ay ku barakaceen dadka ugu tirada badan.
Wasiirka cusub ee wasaaradda nabadda ayaa loo magacaabay Muferiat Kemal oo horay u soo noqotay guddoomiyaha baarlamaanka.
Wasiirka gaashandhigga ayaa loo magacaabay Dagmawit Moges oo horay u ahayd mayarka Addis Ababa waxayna noqotay haweeneydii ugu horeeysay ee xilkaasi qabato.
Isbedeladan lagu sameeyay wasaaradaha Itoobiya ayaa ah kuwii ugu horeeyay ee saameynata golaha fulinta ee dalkaasi tani iyo bishii afaraad oo uu talada qabtay Abiy Axmad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *