DHAGEYSO Maamulka Puntland oo sheegay inay soo bateen dadka soo galootiga ah.

Madaxweyne kuxigeenka maamul Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Camey oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay inay korortay tirada ajaaniibta soo galeysa deegaanada maamulkaas iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Waxa uu tilmaamay in Hal sano gudaheeda ay degaanada maamulka Puntland yimaadeen dad ajaaniib ah tiradoodu aad u badan tahay taasina ay keeneyso inay ka bataan dadkii u dhashay deegaanadaas hadii aan xad loo sameynin soo galootiga faraha badan.
Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey Madaxweyne kuxigeenka maamul Puntland wuxuu faray hay’adaha amniga ee mamaulkiisa inay waajibaadkooda gutaan ayagoo aan cidna ku xadgudbayn dadka ajaaniibta ah ayuuna ugu baaqay inay soo maraan wadada sharciga ah si aysan imaanshahooda dhibaato uga dhalan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *