Dad lagu laayay qarax ka dhacay gobolka Crimea ee Ruushka

In ka badan 17 qof ayaa dhimatay  kaddib markii uu qarax ka dhacay machad ku yaalla gobolka Crimea ee uu heysto Ruushka.

Saraakiisha waxay sheegayaan in qarax aanan noociisa la aqoon lagu qarxiyay machadka farsamada ee Kerch ee ku yaalla gobolka Crimea ee dalka Ruushka.

Halka uu  qaraxa ka dhacay waxaa ku taalla bunddo u dhexeysay gacanka Peninsula iyo Ruushka.

Sarkaal ka tirsan ciidammada Ruushka ayaa sheegay in qaraxa si ula kac ah loo fuliyay isla markaasna ay ahayd ficil argagaxisnimo.

Ma jirto koox si gaar ah u sheegatay mas’uuliyada qaraxaasi

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *