DHAGEYSO Xildhibaano cabasho ka gudbiyay laamaha amaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay dhibaatooyin ay sheegeen inay kala kulmeen Ciidamada dowladda Soomaaliya ee maanta xiray inta badan wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada kala ah C/ Fitaax Ismaaciil Daahir, C/Qaadir Maxamuud Cismaan, Mahad Maxamad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa dhamaantood Gudoomiyaha Baarlamaanka u gudbiyay dacwad ka dhan ah Ciidamada Ammaanka ee dowlada Soomaaliya.
Waxa ay sheegeen in loo geystay Handadaad loona diiday in ay maraan Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa isna sheegay in Ciidanka amaanka ay maanta hakiyeen inta badan Xildhibaannada,wuxuuna ciidanka ugu baaqay inay ilaaliyaan xasaanadda Xildhibaannada.
Guddiga amniga iyo difaaca ee Golaha shacabka ayuu gudoomiyuhu amray inay baaritaan ku sameeyaan cabashada Xildhibaannada ay u gudbiyeen.

Dhanka kale qaar ka mid ah xildhibaanada Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku fududaatay go’aanka ay ku sheegtay inay ku garab taagan tahay dowlada Sacuudiga oo wajahaysa cadaadis xoogan oo kadanbeeyya kadib markii la waayay wariyaha lagu magacaabo Jamaal Khashoggi oo xiligii ugu danbaysay sii galayay qunsuliyada sacuudigu ku leeyay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *