Eedeysanayaasha loo haysto dilkii Monica Kimani oo xabsiga ku sii jiraya

Jacque Maribe oo ah suxufiyad ka howlgalo mid ka mid ah warbaahinada maxaliga ah ee dalka iyo Joseph Irungu oo loo yaqaano Jowie ayaa maalmo dheeraad ah xabsiga ku sii jiri doono
Maanta ayaa la filayay in maxkamada ay ogolaato codsi ay eedeysanayashan soo gudbiyeen oo ahaa in damiin lagu siidaayo hasa ahaate dib ayaa loo sii dhigay.
Garsoore James Wakiaga oo ka howlgalo maxkamada sare ee dalka ayaa sheegay in dacwadda ay labadan qof wajahayaan dib loo soo hadal qaadi doono 24-ka bishan Tobnaad.
Sarakiisha dacwad soo oogidda ayaa diiday in Maribe iyo Irungu damiin lagu siidaayo maadaama ay suuragal tahay inay baaritaanada socdo farageliyaan.
Monica Kimani ayaa bishii hore ee Septembar lagu dilay xaafadda Kilimani ee magaaladatani Nairobi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *