IEBC oo shaacin doonto magacyada shirkadihii ay sannadkii hore qandaraasyo siisay

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa sheegay inuu soo bandhigi doono magacyada shirkadaha sannadkii hore qaatay qandaraasyo kala duwan oo ay qalab ugu wareejiyeen .
Sido kale waxaa la shaacinaya magacyada agaasimayaasha shirkadahaasi.
Prof. Cabdi Guliye oo ka mid ah sarakiisha sar sare ee IEBC ayaa carrabka ku dhuftay in howshaasi la sameynayo kadib amar madaxweyne oo 13-kii bishii lixaad ka soo baxay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan shaqada laga ceyriyay madaxii fulinta ee guddiga qaran ee doorashooyinka Mr. Ezra Chiloba oo lagu eedeyay inuusan u hoggaansamin shuruuc u degsan soo iibsashada qalabka.
Sido kale guddoomiyaha guddiga IEBC Wafula Chebukati ayaa warqad u qoray agaasimaha dacwad soo oogidda Nuurdiin Xaaji iyo guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa wuxuuna labada dhinac ka codsaday inay baaritaano ku sameyaan fadeexad la sheegay in lacago lagu lunsaday xilligii doorashadii guud ee bishii sideedaad sannadii 2017-kii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *