Israa’iil oo duqeymo ka fulisay Qaza

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa lagu soo waramayaa inay aroornimadii hore ee saaka weeraro dhanka cirka ah ka fuliyeen marinka Qaza ee Falastiin.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in howlgalkan uu dhacay kadib gantaal la soo tuuray oo lala eegtay guri ku yaallo koonfurta Israa’iil.
Shacabka ku nool Qaza ayaa sheegaya in diyaaradaha ay duqeyeen ilaa iyo saddex tuulo in kastoo uusan jirin khasaare ka dhashay oo ilaa iyo hadda la xaqiijiyay.
Qoraal uu militariga Israa’iil soo dhigay barta twitarka ayuu ku sheegay inuu muwaadiniintiisa difaacayo.
Tan iyo 30-kii bishii saddexaad ee sannadkan oo dibadbaxyo ay ka bilowdeen Qaza ciidamada Israa’iil ayaa dilay ugu yaraan 205 qof oo Falastiiniyiin ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *