Madaxweynaha dalka oo ka qeyb galay shir ku saabsan tacliinta fasalada hoose

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta ka qeyb galay shir ka furmay magaaladatani Nairobi oo looga hadlayo sida sara loogu qaadi karo tayada tacliinta fasalada ugu hooseeya ee dugsiyada hoose dhexe ee loo yaqaano EDC-da.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in maamulka uu hoggaamiyo ay ka go’antahay xaqiijinta in canug waliba oo kenyaan ah uu helo waxbarasho taya wanaagsan.
Sido kale ismaamulada dalka ayuu ugu baaqay inay tageerada habboon siiyaan fasaladaasi.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in ardayda oo xili hore laga soo dhiso waxbarashada ay kaalin muhiim ah ka qaadaneyso wanaajinta mustaqbalkooda.
Ugu dambeyn madaxweynaha dalka ayaa ardayda u fariisanaya imtixaanada qaran ee sannadlaha ah guul u rajeeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *