Mid ka mid ah musharaxiinta Afghanistan oo la dilay

Weerar bambo loo adeegsaday oo ka dhacay Afghanistan ayaa lagu dilay 4 qof oo uu ka mid yahay musharax .
Weerarkaasi ayaa ka dhacay magaalada Lashkar Gah ee gobolka koonfureed ee Helmand.
Arrintan ayaa imaanaysa maalmo un ka hor inta aysan wadankaasi ka dhicin doorashada baarlamaaniga ah.
Cabdul Jabar Qahraman ayaa ka mid ahaa musharixiinta loolanka ugu jiray codeynta la qorsheeyay inay dhacdo sabtida.
Afhayeenka guddoomiyaha gobolkaasi Cumar Zwak ayaa sheegay in sido kale la dhaawacay 7 qof.
Weerarkan ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda Talibaan oo wacad ku martay inay carqaladeynayso geedisocodka doorashada.
Sido kale mas’uulkan ayaa intaasi ku daray in baaritaano lagu sameynayo dhacdadaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *