Mike Pompeo oo sheegay in sacuudiga ay ka go’antahay in la baaro arrinta Jamal Khashoggi

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo oo safar ku tagay Riyaadh ayaa sheegay in boqortooyada Sacuudi Carabiya ay muujisay sida ay uga go’antahay in laga sal gaaro arrinka ku aaddan wariyaha la waayay Jamal Khashogii.
2-dii bishan ayay ahayd markii suxufigan caanka ah oo u dhashay Sacuudi Carabiya uu gudaha u galay qunsuliyadda boqortooyada ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Tan iyo xiligaasi lama ogo halka uu ku dambeeyay waxaana taasi ka dhalatay cambareyn iyo iseedeyn u dhexeysay Turkiga iyo Sacduuiga.
Turkiga ayaa xukuumada Riyaadh ku eedeyay inay dishay wariyahan balse way ku gacan seyrtay.
Waxaa shalay kulan wada qaatay Mike Pompeo iyo boqorka Sacuudi Carabiya Salman Bin Cabdicaziiz, dhaxalsugaha Maxamad bin Salman iyo wasiirka arrimaha dibadda.
Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhankiisa cambaareeyay cadaadiska sii kordhaya ee dunida ay ku hayso boqortooyada Sacuudiga ee ku saabsan saxafiga la waaayay .
Waxaa uu sheegay in Sacuudigu uusan wax dembi ah lahayn ilaa iyo inta looga caddeynayo ama uu ka qiranayo dilka la sheegay in lagula kacay Khashoggi.

Hoggaamiyaha Maraykanka ayaa intaasi ku daray in dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Binu Salman uu u sheegay in uu socdo baaritaan buuxo oo lagu samaynayo maqnaashiyaha saxafiga Sacuudiga u dhashay Jamal Khashoggi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *