Nemanja Matić oo shaki weyn la galinaayo inuu ciyaari doono kulanka Chelsea.

Sky Sports ayaa shaaca ka qaaday in wali shaki la galinaayo in Nemanja Matić uu cxiyaari doono kulanka adage ee kooxdiisa la cayaari doonto kooxda Chelsea.
Kulankan ayaa ah kulan ka tirsan horyaalka Premier League waana kulankii 9-aad ee xili ciyaareedkan.
Xiddigan ayaa laga saaray liiska xiddigaha xulka Serbia ee ciyaaray tartanka UEFA Nations League sababa la xiriira dhaawac dhanka dabarka ka soo gaaray.
Matić oo haatan da’adiisu tahay 30 jir ayaa kooxdiisa u soo ciyaaray dhamaan 8-deedii kulan ay soo cayaartay.
Sidoo kale waxaa shaki la galinaayo daafaca Luke Shaw oo wali ka soo kabanaayo dhaawac uu qabay, balse David de Gea iyo Marcus Rashford ayaa la filaya inay maanta oo arbaca ah ku soo laabtaan tababarka kooxda.
Tababaraha kooxdaasi Jose Mourinho ayuu muhiim u yahay kulankan madamada la la xiriirinaayo wakhti walbo in shaqada laga ceyrin karo kadib hoos u dhaca ku yimid natijooyinka kooxda.
Mourinho ayaa ku guul dareystay labadii xili ciyaareed ee uu ku sugnaa kooxda Manchester United inuu qaado Premier League ama Champions League.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *