Qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho oo saaka xiran.

Wararka aanka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka qaar ka mid ah Wadooyinka muhiimka ah ee Caasiamda ay xiranyihiin, iyadoo gaadiidka dadweynaha loo diidayo inay isaga kala gudbaan isgoysyada muhiimka ah ee magaalada gudaheeda qaarkood.
Isgoyska Banaadir, Zoobe, Taleex, KM4, Shaqaalaha iyo kuwa kale ayaa xiran, ciidanka dowladda Soomaaliya ayaana ku sugan goobaahis amaankoodana waxay saaka u muuqdaan in aad loo adkeeyay.
Gaadiidka ay wadaan dadka shacabka ah Ayaan halkaas mari Karin waxaana loo ogol yahay inay ka gudbaaan kuwa ay wataan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kali ah.
Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda maysan sheegin sababta loo xiray wadooyinkaasi balse waxay tilmaameen inay tahay amar taliyeyaashooda uga yimid.
Wararkale ayaa sheegaya in sababta loo xiray wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ay tahay wafdi ka socda Midowga Afrika oo lagu wado inay yimaadaan magaalada Muqdisho.
shacabku ku nool magaalada Muqdisho ayaana sheegay inay dhibaato weyn ku tahay isgoysyada muhiimka ah ee maanta xiran.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *