Real Madrid oo cadaadis ku saareyso Man City si ay uga iibiso Raheem Sterling.

Kooxda Real Madrid iyo maamulkeeda ayaa waxay doonayaan inay dib u habeyn ku sameeyaan kooxda kadib bixitaanka Ronaldo.
Daily Mail ayaa heshay xog ah in saraakiil ka soctay kooxda Real Madrid ay dawdeen kulankii isniinti magaalada Sevilla ku dhexmaray xulalka Spain iyo England si ay qiimeyn ugu sameeyaan Raheem Sterling.
Maamulka real Madrid ayaa loo gudbiyay in laacibka kooxda City ee Raheem Sterling uu ku haboonyahay xirashada maaliyada Los Blancos.
Waxaana hada kooxdaasi ay ahmiyada kowaad siineysa sidii ay ku keeni laheyd laacibkaasi.
Tan iyo markii ay la wareegtay 2014-kii Man City laacibkan ayaa hormar joogtah u sameynaayay kooxdaasi.
Dhamaan tartamadii kala duwanaa ee uu xili ciyaareedkii hore u ciyaaray kooxdiisa ayuu u dhaliyay 4-gool iyo sedex caawinaad.
Xidigan ayaa si cad u diiday inuu qandaraaska u kordhiyo Man City ilaa laga dhigo laacibka ugu mushaarka badan kooxdaasi.
Balse maamulka kooxda Citizens ayaa ku adag in laacibkaas ay ka dhigaan kan ugu mushaarka badan.
Sidaa darteed Real Madrid ayaa dooneysa inay gacanta ku soo dhigto laacibkan oo qandaraaskiisa ka harsanyahay 18 bilood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *