Shirkadda  YouTube  oo  xallisay cilad saameysay

Shirkadda  laga daawado muuqaalada ee   YouTube ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay xallisay  cilad  ku timid.

Ciladdaasi oo  ilaa iyo hadda aanan wax  faahfaahin  ah laga bixin ayaa saameysay adeeggan.

Bayaanka  ayaa  yimid kadib laba saacadood  oo ay   baraha bulshada  dad badan oo isticmaalo Youtube-ka cabasho ku muujiyeen.

Sido kale  shirkadda Youtube ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda twitarka dadweynaha ka raali gelisay  ciladda soo foodsaartay adeegyadeeda sido kalena   uga mahadcelisay waxyaabaha ay ku wargeliyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *