Wasiirada arimaha dibada Ethopia iyo Eritrea oo gaaray Muqdisho.

Wasiiradda wasaaradaha Arrimaha Dibada Dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, waxaana dalkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Dowlada Fedraalka Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Wasiiro kale oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Safiirka Dowlada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa wafdigan ku soo dhaweeyay madaarka diyaaradaha adan cabdulle Cismaan ee magaalada Muqdisho.
Masuuliyiintaa ka socda wasaarada arimaha Dibada ee dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa inta ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda Soomaaliya, waxyaaba ugu muhiimsan ee ay ka wada hadli doonaana waxaa ka mid ah Xoojiinta Xiriirka iyo sare u qaadida Wada shaqeynta Dowladahaasi kala dhexeeya Soomaaliya sida ay daabacday wakaalada wararka Soomaaliya ee SONNA.
Dowlada Soomaaliya ayaa u muuqatay inay soo noolaynayso wada shaqeynteeda Wadamada Geeska Afrika, Iyadoo kal hore Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Magaalada Asmara ee Caasimada dalka Eritrea Heshiis Iskaashi kula galay Madaxweynaha Eritrea iyo Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Itoobiya.
Waxaa lagu waddaa in wafdigaan ay la kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo qeyb ka ah Madaxda wadda dadaallada Nabadda ee wadamada Jabuuti iyo Eritrea.
Hoggaamiyeyaasha wadamada ku yaala geeska Afrika ayaa bilihii la soo dhaafay waday dadaallo lagu soo af-jarayo mad-madoowga iyo is afgaran waaga dhanka siyaasada ah iyo muranadii xudduudaha ee Gobolka,iyagoo taasi bedelkeedana wada qorshayaal dhanka horumarka ah oo lagu doonayo inay iska kaashadaan wadama cirifka Africa dhac.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *