Wiil uu dhalay ganacsade can ah oo hal habeen kucasheeyay 80-kun oo Dolar

Casho hotel Shanghai ku yaalla ay ka cuneen wiil uu dhalay ganacsade caan ah iyo 7 qof oo kale oo la socotay , ayaa dood badan ka dhalisay Baraha-bulshada, kadib markii qiimiheedu uu gaaray ($79,733), lacag ku dhow 80-kun oo dolar.

Jiang , ayaa bartiisa bulshada ku faafiyay sawirka warqaddii lacag bixinta cashada iyo sawirka cunnooyinkii kala duwanaa ee miiska loosoo saaray.

Shaqaalihii ka adeegayay cunto geynta ayaa khidmad ahaan u qaatay 6-kun oo dolar.

Cashadan waxaa cunay Jiang Xin, wiilka uu dhalay gacansadaha caanka ah Jiang Quanlong oo ah maamulaha shirkadda   China Rare Earth Holdings.

Sida uu qoray website-ka Asia One, Cashadan ayaa ka koobneyd, maraq, dib Yaxaas!, iyo noocyo kala duwan oo ka mid ah cunnooyinka badda ee ugu cajiibsan uguna qaalisan adduunka, waxaana miiska la iskugu keenay in ka badan 20 saxan oo iskugu jira cunto qaboob iyo mid kulul.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *