Abiy Axmad oo sheegay inuu dil ka badbaaday

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa sheegay in isbuucii hore askar soo hor dhoobatay xafiiskiisa ay ka mid ahayeen qaar doonayay inay isaga qaarajiyaan.
Abiy Axmad ayaa xiligaasi askarta ku amray inay xabadka dhulka dhigaan oo ay jimicsi sameeyaan isna uu la sameeyey.
Waxaa sido kale la arkayay iyagoo wada qoslaya hasa ahaate baarlamaanka wadankaasi ayuu u sheegay inuusan faraxsanayn.
6 bilood ka hor ayay ahayd markii ra’iisul wasaaruhu uu sameeyey isbaddalo dhowr ah oo waaweyn .
Waxaa dad badan la yaab ku noqotay hadalka ka soo yeeray Abiy oo ku aaddan arrinkan maadaama uu ka duwanyahay sidii uu todobaadkii hore uga jawaabay dhacdadaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *