DHAGEYSO Wasiirka beeraha Soomaaliya oo ka qayb galay shirka Bee’adada IGAD.

Wasiirka wasaarada beeraha iyo waraabka dowlada Fedraalka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid iyo sii haya Safaarada Soomaaliya ee dalkani Kenya Cali bagadi ayaa si wada jir ah uga qayb galay gabagabada shir looga hadlayay hanaanka maamul wanaaga bee’ada wadamada ku bohoobay urur goboleedka IGAD iyo yaranta dhibaatooyinka dhulka ka dhasha.
Wasiirka wasaarada beeraha iyo waraabka Dowlada Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid aya ka warbixiyay muhiimada shirkaan iyo doorka Soomaaliya ay ku leedahay.

Sii haya safaarada Soomaaliya ee dalkani Kenya sidoo kalena ah qunsulka guud ee safaarada Cali Maxamed Sheikh Cali Bagadi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyya in dalka Soomaaliya uu madashaan wax badan ka faa’iidi doono sidoo kalena uu shirkaan muhiimad weyn lahaaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *