Doorashooyihinkii Kandahar ee dalka Afgaanistaan oo dib loo dhigay

Guddiga doorashada Afghanistan ayaa muddo toddobaad ah dib u dhigay doorashooyinka baarlamanka gobolka Kandahar kadib dilka laba sarkaal oo sare.
Taliyihii booliska Kandahar Jeneral Abdul Raziq ayaa khamiistii lagu dilay toogasho dhacday intii lagu guda jiray booqashada jeneraalka ugu sarreeya ciidamada Mareykanka ee Afghanistan.
Waqtiga dheeriga ah ee lagu daray xilliga qabashada doorashada ayaa dadka baroordiiqaya siineysa fursad ay ku dhigtaan tacsi uguna duceeyaan dhibanayaasha.
Jeneral Scott Miller oo Mareykan ah, oo wax dhibaato ah aysna gaarin, ayaa booqanayey guriga barasaabka gobolka Kandahar, halkaasi oo uu kulan kula lahaa barasaabka iyo saaakiil kale oo ka tirsan maamulka gobolka.
Abdul Raziq ayaa marar badan ka badbaaday weeraro lagu doonayay in lagu dilo
Kooxda Taliban ayaa sheegatay weerarkii lagu dilay mas’uulkaasi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *