Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay dhiggiisa Namibia

Madaxsweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Namibia Hage Geingob oo wadanka ku yimid safar rasmi ah ayaa wada hadal ku yeeshay madaxtooyada State House.
Mr. Geingob ayaa lagu soo dhaweeyay 21 rasaas sharafeed ah oo loo riday.
Kenya iyo Namibia ayaa waxaa ka dhexeya iskaashi dhanka beeraha , dalxiiska, waxbarashada, gaashaandhigga iyo caafimaadka ah.
Labada madaxweyne ayaa kulanka ay yeesheen arrimahan iyo sida loo sii xoojin karo diiradda ku saaray.
Galinka dambe ee maanta ayaa la filaya inay si wadajir ah warbaahinta ula hadlaan.
Shaly ayuu dalka yimid Geingob oo ay wehelinayso xaaskiisa Monica Geingob.
Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Monica Juma ayaa horay ula kulantay dhiggeeda Namibia ,Netumbo Nandi-Ndaitwah .
Sido kale madaxweynaha Nambia ayaa ka qeyb galaya xuska maalinka halyeeyada dalka oo berri lagu qabanayo ismaamulka Kakamega.
Dhanka kale Shacabka ku nool ismaamulkaasi ayaa dowlada dhexe gaar ahaan madaxweynaha uga mahadceliyay xuska maalinka halyeeyada ee berri lagu qaban doono dowlad degaankaasi.
Afhayeenka madaxtooyada dalka Kanze Dena ayaa shaacisay in madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu boqolaal kenyaan ah ku hoggaamin doono dabaaldegga oo ka dhacaya fagaaraha Bukhungu
Dadweynaha ismaamulkaasi ku nool badankoodu ayaa soo dhaweeyay arrinkan halka kuwa qaar ay sheegayaan inay ganacsigooda saameyn soo gaartay

Ms. Dena ayaa sheegtay in madaxweynaha uu khudbadiisa uga hadli doono arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay islaxisaabtanka la xiriira maareynta kheyraadka dadweynaha loogu adeego.
Sido kale Mr. Kenyatta ayaa la filaya inuu soo hadal qaado sida dib loogu soo nooleyn karo shirkadaha soo saaro sonkorta ee dhaqaalahoodu uu liito.
Maalinkan ayaa sannad kasta loo dabaaldegaa 20-ka bisha Tobnaad oo berri ku beegan waxaana la xusaa dadkii u soo halgamay xornimada wadanka sido kalena kaalin muhiim ah ka qaatay horumarka guud ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *