Madaxweynaha Namibia oo Kenya u balanqaaday inuu ka taageri doono dhanka Amniga

Madaxweynaha wadanka Namibia Hege Geingob oo booqasho ku jooga dalkani Kenyaa ayaa maanta balan qaaday in uu Kenya ka teegeri doono dhanka amaanka iyo xubnimada golaha qaramada midoobay ee sanadaha 2021-ka -2022-ka .
Madaxweyne Geingob ayaa hadalkani jeediyay xilii uu galabta aqalka madaxtooyada dalka uu kula kulmay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta.
Madaxweyne kenyatta ayaa soo dhaweeyay taageerida uu u balanqaaday madaxweynaha Namibia.
Kenya iyo Namibia ayaa waxaa ka dhexeya iskaashi dhanka beeraha , dalxiiska, waxbarashada, gaashaandhigga iyo caafimaadka ah.
Shaly ayuu dalka yimid Geingob oo ay wehelinayso xaaskiisa Monica Geingob.
Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Monica Juma ayaa horay ula kulantay dhiggeeda Namibia ,Netumbo Nandi-Ndaitwah .
Sido kale madaxweynaha Nambia ayaa ka qeyb galaya xuska maalinka halyeeyada dalka oo berri lagu qabanayo ismaamulka Kakamega.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *