Madaxweynaha Rwanda oo isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada

Hoggaamiyaha wadanka Rwanda, Paul Kagame ayaa soo magacaabay wasiirada cusub ee wasaaradaha gaashaan dhigga iyo arrimaha dibadda kadib isku shaandheyn uu sameeyay.
Albert Murasira oo horay u soo noqday taliye militari ayaa laga dhigay wasiirka difaaca wuxuuna xilkaasi kala wareegay James Kabarebe.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Rwanda ayaa loo magacaabay Richard Sezibera oo horay u soo qabtay xilka xoghayaha guud ee jaliyadda bariga Afrika.
Xilka uu la wareegay ayaa waxaa haysay Louise Mushikiwabo oo toddobaadkii hore loo magacaabay madaxa hay’adda caalamiga ee (OIF)
Paul Kagame ayaa sido kale wasiiro cusub u soo magacaabay wasaaradaha maamulada hoose, ganacsiga iyo warshadaha , cayaaraha iyo dhaqanka ICT-da, jinsiyadda iyo horumarinta qoysaska.
Madaxtooyada Rwanda ayaanan weli faahfaahin ka bixin sababta keentay in isbedel lagu sameeyo golaha wasiiradda ee dalkaaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *