Shacabka Kakamega oo soo dhaweeyay xuska maalinka halyeeyada ee berri halkaasi lagu qabanayo

Shacabka ku nool ismaamulka Kakamega ee galbeedka dalka ayaa dowlada dhexe gaar ahaan madaxweynaha uga mahadceliyay xuska maalinka halyeeyada ee berri lagu qaban doono dowlad degaankaasi.
Afhayeenka madaxtooyada dalka Kanze Dena ayaa shaacisay in madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu boqolaal kenyaan ah ku hoggaamin doono dabaaldegga oo ka dhacaya fagaaraha Bukhungu .
Dadweynaha ismaamulkaasi ku nool badankoodu ayaa soo dhaweeyay arrinkan halka kuwa qaar ay sheegayaan inay ganacsigooda saameyn soo gaartay
Ms. Dena ayaa sheegtay in madaxweynaha uu khudbadiisa uga hadli doono arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay islaxisaabtanka la xiriira maareynta kheyraadka dadweynaha loogu adeego.
Sido kale Mr. Kenyatta ayaa la filaya inuu soo hadal qaado sida dib loogu soo nooleyn karo shirkadaha soo saaro sonkorta ee dhaqaalahoodu uu liito.
Maalinkan ayaa sannad kasta loo dabaaldegaa 20-ka bisha Tobnaad oo berri ku beegan waxaana la xusaa dadkii u soo halgamay hornimada wadanka sido kalena kaalin muhiim ah ka qaatay horumarka guud ee dalka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *