Taliska ciidanka xooga Soomaaliya oo gaaray magaalada Kismaanyo.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe) ayaa Maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose.
Saraakiisha ciidanka Xoogga dalka dhexe ee Soomaaliya iyo Kuwa maamulka Jubbaland ayaa Taliyaha ku soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.
Taliyaha ayaa waxaa la filayaa inta uu ku sugan yahay gooblka Jubada Hoose inuu kulamo kala duwan la qaato madaxda Maamulka Jubbaland oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha maamulkaasi iyo ku xigeenadiisa, taliska ciidanka xooga ayaa masuuliyiinta maamulka Jubaland kala soo hadlaya ariamah amaanka ee deegaanadaasi iyo sidoo kale dardar galinta howl galada ciidamada amaanka Soomaaliya ay ka wadeen deegaanada AL-shabaab ay kaga sugan yihiin gobolada jubada dhexe iyo Jubada Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *