Wasiirkii hore ee maaliyadda dalka Shiinaha oo la xiray

Wararka naga soo gaaraya dalka Shiinaha ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay wasiirkii hore ee maaliyadda ee dowladdaasi.
Waaxda dacwad oogidda Shiinaha ayaa maanta oo jimco ah xaqiijisay in la xiray Zhang Shaochun kadib markii lagu eedeyay musuqmaasuq.
Mr. Zhang ayaa lagu sameynayay baaritaano ku saabsan muujinta habdhaqan aanan wanaagsanayn iyo inuu ku xadgudbay sharciga wadankaasi u yaalla.
Maamulka Shiinaha ee la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa tan iyo markii uu hoggaanka qabtay madaxweyne Xi Jinping si weyn ula tacaalayay falalka waxisdaba marinta.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *