DHAGEYSO Maanta oo la xusayaa Mashujaa Day

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta ayaa Kenyaanka ku hogaaminayaa maanta maalinta haliyeeyada dalka ee Mashujaa Day.
Munaasabada ugu weyn ayaa maanta waxaa ay ka dhaceysaa fagaaraha Bukhungu ee ismaamul goboleedka Kakamega.
Waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka guud ee ismaamulkaasi.
Hogaamiyaha ugu sareeya ee dalka ayaa la filayaa in laga bilaabo 10-ka barqanimo uu soo gaaro goobta lagu qabanayo Mashuja Day ee ismaamulka Kakamega.
Madaxweyne Kenyaatta iyo xaaskiisa Magret kenyaatta ayaa xalay ka caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Kisumu waxaana halkaasi ka qaaday isaga iyo marwada koowaad ee dalka diyaarada Militiry iyadoona gaysay mamaul goboleedka Kakamega.
Mr Kenyaatta ayaa khudbadiisa maanta ee Mashujaa Day waxaa uu uga hadli doono arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay islaxisaabtanka la xiriira maareynta kheyraadka dadweynaha loogu adeego.
Madaxweyne Kenyatta ayaa la filaya inuu soo hadal qaado sida dib loogu soo nooleyn karo shirkadaha soo saaro sonkorta ee dhaqaalahoodu uu liito.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwida howlaha qaranka dalka Karanja Kibicho gudoomiyaha isamamulka kakamega Wiclif Ambesta Oparanya iyo Senetarka ismaamulkaasi ayaa gaaray fagaaraha lagu qabanayo xuskaasi waxaa ayna sheegeen in wax walba ay diyaar yihiin.

Qaar ka mid Dhalinyarada ku nool ismamaulka Kakamega aya amadaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta ka codsday inuu soo hadal qaado arrimaha quseeya dhalinyarada

Dhinaca kale madaxweynaha wadanka Nimibia oo booqasho ku soo gaaray dalkani Kenyaa ayaa ka qeyb galayaa munaasabda maanta ee Mashujaa Day.
Maalinkan ayaa sannad kasta loo dabaaldegaa 20-ka bisha Tobnaad oo maanta ku beegan waxaana la xusaa dadkii u soo halgamay hornimada wadanka sido kalena kaalin muhiim ah ka qaatay horumarka guud ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *