Kenya iyo Namibia oo heshiis kala saxiixday

Dowladaha Kenya iyo Namibiya ayaa gaaray heshiisyo muhiim ah oo ay iska kaashanyaan dhanka dalxiiska, kalluumeysiga iyo macdanta.
Madaxweynaha dalka Namibia oo ku sugan Kenya waxaa uu shaley aqalka madaxtooyada Nairobi kulan kula qaatay madaxweynaha dalka mudane Uhuru kenyaatta.
Madaxweyne Kenyaatta ayaa sheegay in heshiiska ay kala saxiixdeen dhigiisa Namibia ay sii xoojin doonto xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyay Kenya iyo Namibia.
Madaxweynaha wadanka Namibia Hege Geingob ayaa balan qaaday in uu Kenya ka teegeri doono dhanka amaanka iyo xubnimada golaha qaramada midoobay ee sanadaha 2021-ka -2022-ka .
Mr kenyatta ayaa soo dhaweeyay taageerida uu u balanqaaday madaxweynaha Namibia.
Kenya iyo Namibia ayaa waxaa ka dhexeya iskaashi dhanka beeraha , dalxiiska, waxbarashada, gaashaandhigga iyo caafimaadka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *