Liibiya oo ka hor imaatay qorshaha mdiowga Yurub ee lagu xakameynayo muhaajiriinta

Wasiirka arrimaha dibadda ee wadanka Liibiya ayaa sheegay in dalkiisa uu ka soo horjeedo qorshaha midowga Yurub ay soo jeediyeen oo ahaa in meel ka baxsan qaaradda Yurub laga sameeyo xarun lagu qiimeynayo dadka u tahriiba dalalka Yurub.
Qorshahan oo ay diyaariyeen midowga Yurub bishii June ee sannadkan ayaa sidoo kale dhigaya in la xakameeyo qulqulka muhaajiriinta.
Diblomaasiga ugu sareeya Liibya Mohamed al-Taher Siala ayaa wargeys laga leeyahay dalka Austria u sheegay in dhamaan dalalka waqooyiga Afrika oo ay kamid yihiin Tunisia, Algeria ay kasoo horjeedaan qorshahan.
Bishii june ee sannadkan dalalka mdiowga Yurub ayaa soo jeediyay qorshe ah in meel ka baxsan Yurub laga sameeyo xarun lagu qiimeynayo dadka muhaajiriinta ee ku qulqulaya Yurub.
Qiimeynta ayaa ah mid lagu ogaanayo in qofka doonayo inuu galo Yurub uu yahay qof u qalma oo dalkiisa uga soo tegay dhibaatooyin ay kamid yihiin amni xumi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *