Munaasabada maalinta halyeeyada oo dalka maanta la xusay

Garoonka Bukhungu ee ismaamulka Kakamega ayaa waxa maanta aad ugu soo qulqulay shacabka Kenyanka ah oo ka qayb galaya munaasabada isla markaana aad ugu adkeystay dhaxanta subixii hore.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dalka ku hoggaminaya dabaal dega munaasabada maalinta halkyeeyada 54-aad ee Mashuja Day loo yaqaano.
Mr Kenyatta iyo marwada koowaad Margaret Kenyatta ayaa magaalada Kakamega gaaray shala galinkii dambe.Waana markii ugu horeysay ee munasabadan lagu qabto ismaamulka Kakamega.
Madaxweynaha dalka Namibia Hage Geingob ayaa dalka ku sugan,Munaasabada ayuuna ka soo qayb galaya.
Malinta ayaa Kenyanka u dabaal degaan shakhsiyaadkii u soo halgamay hornimada dalka oo ay xurnimada ka qaateen Ingiriiska,Balse dhinaca kale waxa malinta la xusa shakhsiyaadka kalin muhiim ah ka qaadaya qayabaha kala duwan sida cayaaraha,waxbarashada iyo qaybaha kale.
Madaxweyna ku xigeenka William Ruto, Xaaskiisa Rachel iyo Hoggamiyaha mucaardka Raila Odinga waxay soo gareen garoonka Wax yar ka dib 10.30-daqiiqo.
Sagaalkii subaxnimo hoggamiyaal tira badan ayaa soo xaadiray,Waxa ka mid ah xildhibanada gobolka galbeedka iyo xildhibana kale,hoggamiyaha xubnaha aqlabiyada aqalka baarlamanka Aden Ducaale, Hoggamiyaha xubnaha laga tira badanyahay ee aqalka Senetka James Orengo.
Amanka garonka ayaa aad loo adkeeyay,Halka sarakiisha amaanka ay baarayeen shakhsi walba oo soo gala garoonka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *