Xaaladda bini’aadamnimo ee dunida iyo Kaalinta howlwadeenada gargaarka.

Musiibooyiinka kala duwan ee soo wajaha dal sida kuwa dabiiciga ah ee iskugu jira duufanta, roobabka lixaadka leh, futahaadaha iyo dhul gariirka iyo kuwa kale oo ay ugu weyntahay dagaalada sokeeye oo hadaan xal deg deg ah loo helin faraha ka sii baxa ayaa sababi kara xaalado bini’aadamnimo oo ay kamidka yihiin macluul daran, oon, harraad, ba’ iyo marxalado daran.
Marka ay dhamaan xaaladaha kor ku xusan ay dhacaan hay’adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga aheyn ayaa si deg deg ah uga jawaaba iyaga oo gargaar bini’aadamnimo la gaara dadka ay wax soo gaareen kuwaasi oo mararka qaar barakacayaal ku noqon kara dalkooda gudahiisa amaba mararka qaar qaxooti ku noqda dalal shisheeye si ay u helaan magangalyo buuxda.
Hadabo waxaa jira warbixino laga soo saaro xaaladaha bini’aadamnimo iyada oo sanad kasta loo dabaal dago 19-ka bisha agoosto.
warbixin caalami ah ayaa lagu sheegay in dad ay tiradoodu gaareyso 2 bilyan oo qof guud ahaan dunida ay sabool yihiin.
753 milyan oo dheeraad ah ayaa laga deyrinaya xaaladooda waxayna la daalaadhacayaan noolosha waxana jiro dad badan oo ay dhibaatooyin ka soo gaaraan abaaraha, macluusha iyo musiibooyinka dabiiciga ah.
Barnaamijka gargaarka baniaadanimo ee caalamiga ah ayaa sheegay in sannadkii tagay ee 2017-kii , ugu yaraan 201 milyan oo qof oo ku nool 134 wadan ay u baahnayeen cawimaad.
20.7 milyan waxaa ay ku suganyihiin dalka Yemen, waxaa soo raada Suuriya oo tiradaasi ay tahay 13.7 milyan oo qof.
Wadanka Turkiga ayaa hooy siiyay qaxooti u dhashay Suuriya oo gaaraya 3.5 milyan oo qof iyadoo gudaha Turkiga tirada dadka u baahan gargaarka baniaadanimo ay tahay 12.8 milyan oo qof.
Wadanka Bangladesh ayaa sidokale magangalyo siisay in ka badan 671,000 oo qaxooti Rohingya ah, kuwaas oo ka soo cararey colaadaha Myanmar intii u dhaxeysay 25kii Agoosto 2017 ilaa iyo bishii 7-aad ee sanadkan 2018.
Wadamada kale ee warbixinta lagu xusay ayaa kala ah Ethiopia, Iraq, Nigeria, jamhuuriyada dimuqaradiyada Kongo ee DRC, Suudaanta koonfureed, Afghanistan, Somalia, Kenya, Haiti, Malawi, Colombia, Sudan, Chad, Zimbabwe, Mali, Ukraine, Cameroon, Lebanon, Pakistan, Burundi, Jordan, Afrikada dhexe ee CAR, Uganda, Niger, Palestine, Mozambique, Madagascar, Libya, Angola, Bangladesh, Sri Lanka, Nepal iyo Myanmar.
Waxyaabaha la yaabka leh ee warbixinta lagu sheegay waxaa ka mid ahaa in 2 bilyan oo qof ay maalin waliba quutaan dhaqaale ka yar 3.2 doolar halka in ka badan 750 milyan oo xaaladooda noololeed laga deyrinaya ay maalin kasta isticmalaan lacag ka hooseysa 1.9 milyan oo doolar.
Wadamada Ethiopia, Niger, Pakistan, Somali, suudaanta koonfureed iyo Sudan ayaa waxaa si gaar ah u saameeyay dagaalo iyo musiibooyin dabiici ah
Sido kale tirada barakacayaasha adduunka ayaa sannadkii hore waxaa ku kordhay 2.9 milyan oo qof marka loo barbardhigo 2016-kii oo tiradaasi ay ahayd 68.5 milyan.
Waxaa warbixinta lagu sheegay in boqolkiba 60 ee gargaarka bani’aadanimo la gaarsiiyay 10 wadan, boqolkiba 14 waxaa loo diray Suuyria, halka Yemen la gaarsiiyay boqolkiba 8.
Wadanka Suuriya ayaa muddo 5 sano oo xiriir ah la gaarsiinayay gargaarka ugu badan ee bani’aadanimo.
Tobanka wadanka ee liiska gargaarka ugu horeeya waxaa ka mid ah Giriigga iyo Turkiga.
Sannadkii tagay dowlada Turkiga ayaa lagu amaanay inay bixisay cawimaaddii baniaadanimo ee ugu badnayd caalamka waxayna howlahaasi u adeegsatay 8.07 bilyan oo doolar.
Waxaa ku soo xigay Maraykanka oo ay ka baxday 6.68 bilyan oo doolar halka Jarmalka uu 2.99 bilyan ku bixiyay gargaar bani’aadanimo iyo ingiriiska oo ku deeqay 2.52 bilyan oo doolar.
Gargaarka bani’aadanimo ee sannadkii hore waxaa uu ahaan 27.3 bilyan oo doolar taasi oo marka loo eego 2016-kii uu boqolkiba saddex sara u kacay maadaama xiligaasi lagu sheegay 26.4 bilyan oo doolar.
Guud ahaan dunida in ka badan 65 milyan oo qof ayaa guriyahooda ka barakacay.
Kooxaha hubeysan ayaa caruurta u shaqaleysiiya inay dagaalada ka qeyb gataan .
Haweenka iyo dadka tabarta daran ayaa lagu xadgudbaa oo la sumcad dilaa sida warbixinta ku xusan.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in shaqaalaha hay’adaha gargaarka iyagana la bartilmaameedsado.
Sikastaba ha ahaate Xuska maalinka bini’aadamnimada ayaa looga gol leeyahay in lagu aqoonsado kaalinta howlwadeenada gargaarka, sida ay nooloshoodu halis u geliyaan iyo in sido kale garab la siiyo dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka kala duwan.
Hal ku dhigga xuska maalinka bani’aadanimada adduunka ee sannadkan ayaa ah #NotATarget oo ay micnaheedu tahay bartilmaameedsi ma aha.
By:BisharSheick

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *