12 ka mid ah hoggaamiyaasha ismaamulada oo su’aalo laga weydiin doono maareynta kheyraadka

Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa inay guddiga aqalka sare ee xisabaadka iyo maalgashiga ka soo hormuuqdaan laga bilaabo 31-da bishan tobnaad.
Guddiggan ayaa laga soo xigtay in barasaabyada Embu, Kisumu, Kirinyaga iyo Kitui la qorsheeyay inay hor tagaan 31-da bishan ilaa iyo 8-da bisha koow iyo tobnaad.
Inta u dhexeysa 12-ka ilaa iyo 28-ka bisha xigta waxaa fursad la siinaya hoggaamiyaasha maamul goboleedyada Tana River, Bungoma, Nyamira, Wajeer, Machakos, Kakamega, Mombasa iyo Kwale
Mas’uuliyiintan oo gaaraya 12 ayaa su’aalo laga weydiin doonaa sida ay u adeegsadeen kheyraadka dadweynaha loogu adeego.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dowlad degaanada qaar ay ku takriifalaan dhaqaalaha loo qoondeeyay gaar ahaan miisaaniyad sanadeedkii 2014-2015-kii.
Aqalka sare ee dalka ayaa horay su’aalo weydiiyay 23 ka mid ah hoggaamiyaasha maamul goboleedyada waxayna ka jawabeen arrimo dhowr ah oo lagu xusay warbixin uu soo saaray hanti dhowraha qaran Edward Ouko.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *