55 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Nigeria

Iskuduwaha ammaanka ee gobolka waqooyi ee Kaduna oo ka tirsan dalka Nigeriya Axmad Cabdur-Raxman ayaa sheegay in 55 qof lagu dilay dagaalo beeleed maalmihii ugu dambeeyay halkaasi ka dhacay.
Waxaa uu intaasi ku daray in isku dhacyada ay u dhexeyeen laba qowmiyadood oo deggan degmada Kasuwan Magani ee ku taallo dhinaca koonfureed ee gobolkaasi.
Sarakiisha ammaanka ayaa ilaa iyo hadda xiray 22 qof oo ah eedeysanayaasha rabshadahaasi lagu tuhmayo.
Sido kale wuxuu sheegay in bandow khamiistii la saaray degmadaasi uu kaalin weyn ka qaatay dejinta xaaladdi jirtay.
In kastoo uunan faahfaahin sababta dagaalada keentay haddan wuxuu wacad ku maray in tallaabo adag laga qaadayo cid kasta oo khalkhal gelisa amniga iyo xasiloonida guud.
Bishii labaad ee sannadkan ayay ahayd markii iskudhacyo noocasi oo kale ah lagu dilay ugu yaraan 10 qof halka dab la qabadsiiyay boqolaal guriyo iyo meherada ganacsi ah in kastoo ilaa iyo hadda ay dacwado wajahayaan in ka badan 60 qof oo falalkaasi loo haysto.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *