Bonny Khalwale oo sheegay inuu taageeraayo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.

Senetarkii hore ee ismaamulka Kakamega Bonny Khalwale ayaa ku dhawaaqay inuu taageeraayo madaxwene ku xigeenka dalka William Samoi Ruto balse uu ka naxsanyahay inuu xisbiga Ford Kenya ka baxo.
Wxaa uu sheegay inuu go’aankan qaatay kadib markii uu arkay inay adagtahay in musharax kale uu ka guuleysto Ruto doorshada 2022.
Waxaa uu intaa ku daray in uu khibrad uu leeyahay siyaasada Kenya uuna ogyahay inay adagtahay musharax dowlada ay wadato in doorasha laga guuleysto.
Hadalkan ayuu jediyay xili maanta uu ka qeyb galay xaflad lacag uruurin loogu sameynaayay kaniisad ku taalo ismaamulka Eldoret.
Hogaamiyahan ayaa sheegay inuusan madaxwene ku xigeenka u taageeraynin sababa ah inuu ka faa’ido dhaqaale.
Boni khalwale ayaa sheegay in Ruto ay soo wada shaqeeyeen waqti badan sidaasi awgeedna uu midba midka kale fahmaayo.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu kula kulmay magaalada Nairobi ayna kawada hadleen siyaasada dalka.
Wuxuu intaa ku daray in Ruto uu marwalba jiro dhanka guusha siyaasada, waana sababta aan u go’aansaday inaan waqtigeyga ku luminin meel kale.
Senetarkii hore ee ismaamulka Kakamega ayaa hogamiyaasha xisbiyada Ford Kenya iyo ANC oo ay kala hogaamiyaan Moses Wetang’ula iyo Musalia Mudavadi aysan danbi ahy inuu taageero Ruto.
Wuxuuna ugu baaqay Musalia Mudavadi inuu isbaheysi la noqdo Wlliam Ruto si uu ku xigeen ugu noqdo.
Sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay jagada midowga Afrika u magacaabay hogamiyaha mucaradka Nasa Raila Odinga isagoona sheegay inay ka saacideyneysa Kenya inay soo jiidato maalgashi cusub.
Kibet ayaa madaxwene ku xigeenka dalka William Ruto ku amaanay inuu yahay hogaamiya aragti fog.
Khalwaale ayaa dhaleeceyn dusha uga tuuray xoghayaha ururka Cotu Francis Atwoli oo ku andacoonaya inuu xukumi doono siyaasada qowmiyada luhyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *